Madaxweynaha Hirshabelle oo ka qeyb galay kulanka dhinaca Internet-ka ay soo agaasimeyn UN-ka

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka qeyb galay kulan muuqaal ah oo dhinaca Internet-ka, kaasoo soo agaasimay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya qeybna ay ka ahaayeen saaxiibada Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

caqabadaha cudurka Covid-19, qorsheynta hannaanka doorasho, Amniga, siyaasadda, xoriyadda saxaafadda ayaalagu lafa guray kulanka.

Inta uu Socday Kulanka ayaa lagu faaqiday caqabadaha cudurka Covid-19, qorsheynta hannaanka doorasho, Amniga, siyaasadda, xoriyadda saxaafadda.

Barta Internet-ka Xafiiska Qaramada Midoobey ayaa lagu soo qoray waxyaabaha kulanka ku saabsanaa, waxaana kulankan qeyb ka yahay kulamo taxane ah oo qadka Internetka oo Qaramada Midoobey soo agaasintay oo lala yeelanayay Madaxda Soomaalida.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isna bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu goor dhow u soo gabagaboobay shirka dhanka muuqaalka uu la yeeshay AMISOM, Safiirada Itoobiya, Midowga Yurub, Talyaaniga, IGAD, Jarmalka, Sweden, UK, UN iyo USA, kaasoo ku saabsanaa daadadka cudurka Covid-19, Amniga, saaxada Siyaasadda Xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, doorashooyinka iyo qodobo kale

Waare ayaa ku sugan magaalada Beledweyne, halkaasoo ay ka jiraan xaaladaha fatahaada wabiga Shabeelle iyo dadaalo looga hortagayobiya baxada magaalada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email