Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay wasiiro cusub

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Qoorqoor ayaa soo dhameystiray wolihiisa Wasiirada, isagoo magacaabay wasiir Kuxigeeno iyo wasiiru dowlayaal.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Qoorqoor

Xubnaha uu magacaabay madaxweyne Qoorqoor ayaa waxay u badan yihiin dhalinyaro, waxaana ay ka kooban 25 wasiir Kuxigeeno iyo 11 Wasiiru dowlayaal.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa la filayaa in wadajir loo dhaariyo, marka codka kalsoonida ay ka helaan Baarlamaanka Galmudug.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email