Madasha Xisbiyada oo soo dhoweeyay hadal ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha

Madasha ayaa ugu baaqday dowladda in ay aqbasho in la qabto shir degdeg ay isugu yimaadaan saamileyda Siyaasadeed.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweeyay hadalkii dhowaan uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ka jeediyay shirkii Golaha Wasiirada ee ahaa in dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo ay isla ogolyihiin saamileyda siyaasadeed.

War murtiyeed ka soo baxay Madasha ayaa lagu dhiirageliyay inay dowladdu ka dhabeyso hadalkaas, isla markaana aqbasho in la qabto shir degdeg ay isugu yimaadaan saamileyda Siyaasadeed, si looga heshiiyo jadwalka iyo nooca doorashada ee dalku aadayo.

Madasha ayaa sheegay in maadaama uu maamulka talada hada haya ka gaabiyay howlihii saldhiga u ahaa doorasho qof iyo cod oo si xor u qabsoonta, isla markaana  uu muddo xileedkooda gabaabsi yahay, ayna lagama maarmaan tahay  in saamileyda siyaasadeed ay heshiis loo dhan yahay ka gaaraan hannaanka doorashada sidii horay loo sameyn jiray.

  • Halkan hoose ka akhriso:-
Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email