Maamulka Gobolka Banaadir oo Suuqa Weyn ee Bakaaraha ka sameeyay howlgal looga buufinayo Coronavirus

Dhismayaasha ganacsi , goobaha la fariisto, albaabada laga galo iyo waddooyinka hareeraha ee Suuqa Bakaaro ayaa ah goobaha la Buufinaayo.

Ka gadaal markii uu magaalada si daran uu ugu faafay xanuunka Coronavirus ayay maamulka Gobolka Banaadir ay Howlo buufin ah oo looga hor tagayo Caabuqa COVID19 ka sameeyeen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa kormeeray howsha buufinta ee ay wadeen holwadeenada waaxda caafimaadka iyo gurmadka degdega ee dowladda Hoose.

Qorshaha buufinta Caasimadda ayaa ah ka hortagga COVID-19, si meesha looga saaro jermiska faafiya cudurkan, waxaana meelaha la buufinayay ka mid ahaa dhismayaasha ganacsi ee suuqa, goobaha la fariisto, albaabada laga galo iyo waddooyinka hareerihiisa.

Adeega buufinta ayaa habeen walba ka socota goobo kala duwan oo ka mid ah magaalada, waxaana ololaha buufinta magaalada todobaadkii hore daah-furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Halkaan ka daalaco sawirada Howlgalka Buufinta ah ee Maamulka Gobolka Banadir ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email