Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay degmooyinka laga soo tuuro hoobiyeyaasha

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheagay degmooyinka laga soo tuuro hoobiyeyaasha lagu beegsado xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

“Degmooyinka Wadajir, Dharkanley iyo Kaxda ayaa laga soo tuuraa madaafiicda hoobiyaalka ah ee lagu weeraro xarunta Xalanae iyo garoonka Aadan Cadde.”—– Gudoomiye Tuulax

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in degmooyinkaas ay yihiin Wadajir, Dharkanley iyo Kaxda.

Tuulax ayaa sheegay in dhowr jeer saddexdan degmo ee gobolkan Banaadir laga soo tuuray hoobiyeyaal lagu weeraray garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, ayna iminka wadaan howl-gallo amingooda lagu xaqiijinayo, loogana hortagayo falal amni darro oo ay ka fuliyaan Al-Shabaab.

Tuulax ayaa hadalkan sheegay xilli xalay uu howlo kormeer amni ah ku tegay degmooyinka saddexda degmo Wadajir, Dharkeenleey iyo Kaxda ee magaalada Muqdisho. Valueimpression Placeholder

Inkasta oo Tuulax uu sheegay saddexdan degmo, haddana mid ka mid ah weeraradii hoobiye ee ugu dambeeyey waxa laga soo qaday degmada Kaaraan

Toddobaadyadii dhowaa, waxaa kordhay weerarada hoobiye ee Al-Shabaab ay ku beegsaneyso xarunta Xalane iyo garoonka Aadan Cadde, ayada oo mararka qaar ay toddobaad gudihiis fuliyeen laba ama saddex weerar.

Dhinaca kale, Tuulax ayaa ugu baaqay laamaaha amniga Soomaaliya inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga, islamarkaana ka hortagaan cid kasta oo lidi ku ah amniga.