Maamulka gobolka Banaadir oo ka warbixiyay qarax Muqdisho lagula beegsaday sarkaal

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qarax maanta ka dhacay maanta degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

“Qof walba waa inuu ka taxadaraa goobta uu dhiganayo gaarigiisa.”— Afhayeen Saalax

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo goobta uu qaraxu ka dhacay tegay ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen sarkaal watay gaariga qarxay oo la oran jirey Cabdishakuur Xuseen Cabdi Dhicisow (Jaabiri) iyo qof kale oo la socday sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qaraxa askari ilaalo u ahaa sarkaalka.

“Qof walba waa inuu ka taxadaraa goobta uu dhiganayo gaarigiisa si aan qarax loogu xirin waana inay ciidamada ammaanka ka feejignaadaan talaabo walba oo lagu waxyeelaynayo shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri afhayeenka.

Sarkaalka ku dhintey qaraxa loogu xirey gaarigiisa ayaa ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir isla markaana qaarigiisa qarax loogu xiray. Qaraxan loogu xirey sarkaalka gaarigiisa ayaa waxaa sheegtay ururka Al-Shabaab.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email