Maamulka gobolka Banaadir oo burburiyay goobo ganacsi ‘sawirro’

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay howlgal waxaa ay ku burburiyeen goobo ay ku ganacsanayeen dad rayid ah oo ku yaalla hareeraha laamiga Makka Almukarama gaar ahaan agagaarka laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan oo xalay xilli dambe la fuliyay ayaa sigaar ah waxaa loo beegsaday miisas ay haweenka danyarta waxyaabo ay kamid yihiin hilibka ku iibin jireen si ay ugu maareeyaan nolosha qoyskooda.

Mas’uuliyiin heer gobol iyo heer degmoo oo ay kamid yihiin guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti, guddoomiyeyaasha degmooyinka Hodan iyo Wadajir aaraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa howlgalkaas.

Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir ayaa boggeeda Facebook soo dhigtay in olole nadaafadeed ay xalay sameeyeen. Hayeeshee, goobaha la burburiyay ayaa waxaa ku ganacsanayay dad danyar ah oo ka raadinayay nolol maalmeedka qoyskooda.

Qaar kamid ah dadkii lahaa goobaha la burburiyay ayaa waxaa ay sheegeen in iyada oo aan wax digniin ah la siin si sharci darro ah looga burburiyay miisas ay hilibka ku iibin jireen, isla markaana maamulka gobolka Banaadir uu ka dambeeyo.

Sawiro laga soo qaaday goobaha la burburiyay ayaa muujinayay xubnaha Waaxda Nadaafada gobolka Banaadir oo miisaaska oo inta qaarkood la jejebiyay la saaray gawaarida iska rogaha ama cara gediska loo yaqaano.

Magaalada Muqdisho wadooyin badan ayaa u xirmay kuna burburay roobkii ka da’ayay magaalada, waxaana la aamisan yahay in maamulka gobolka Banaadir ay aheyd in uu ku mashquulo nadiifinta wadooyinka ay biyaha xireen si ay dadka u maraan, balse taasi bedelkeeda goobaha ganacsi ay burburinayaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email