Maamulada Puntland iyo Galmudug oo iska arkaya xalinta dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo

Madasha ay wafuuda isku arkayaan ay ah waqooyiga Gaalkacyo oo ah daanta Puntland iyago ka arrinsanaya sidii loo xakameyn lahaa colaada ka soo cusboonaatay Gobolka Mudug.

Wafuud ka kala socota Puntland iyo Galmudug oo isugu jira heer maamulka Gobolka Mudug iyo Saraakiisha Amniga ayaa maanta ka shiraya dagaalkii habeen hore ka dhacay galbeedka magaalada Gaalkacyo, si loo qaboojiyo xiisada dagaal ee halkaas ka jirtay.

Sida wararku sheegayaan dagaalkii habeen hore ka dhacay deegaanka Tareega ee ku yaalla Galbeedka Gaalkacyo ayaa waxaa ka dambeeyay maleeshiyo hubeysan oo ka yimid dhanka Galmudug, kuwaasoo weeraray saldhiga Ciidanka daraawiishta Puntland.

Shirka u dhaxeeya labada dhinac ayaa maanta ka dhacaya waqooyiga Gaalkacyo oo ah dhinaca Puntland, waxaana looga arrinsanayaa sidii loo xakameyn lahaa colaada ka soo cusboonaatay Gobolka Mudug.

Labada maamul ayaa waxay wadaan dadaalo lagu qaboojinayo xiisada lagu qaboojinayo dagaalka, si looga baaqsado isku dhacyo hubeysan oo ka bilowda Gobolka Mudug.

Gaalkacyo iyo duleedkeeda waxaa horay uga dhacay isku dhacyo kala duwan oo u dhaxeeyay maleeshiyaad labada dhinac kala taabacsan, waxaana markii dambe uu isku bedelay dagaal labo maamul.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email