Kooxda AlShabaab oo dad shacab ah ka afduubtay gobolka Galgaduud

Wararka ka naga soo gaarayo gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in kooxda AlShabaab ay dad shacab ah ka afduubteen halkaas.

Dhacdadaan ayaa waxaa Xorriya Online u xaqiijiyeen dadka deegaanka. Afduubka ayaa ka dhacay lagu magacaabo Burujeed, oo ah Tuulo 70 KM u jir degmada Guriceel.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa markey yimadeen deegaanka isku soo aruurshay dhamaan raggii ku noolaa degaanka ayaga oo markii dambe goobta ka kaxeystay labo nin.

Illaa iyo hadda majirto cid si toos ah uga hadashay afduubkaan iyo sababta loo maleynayo in Shabaab raggaan u bartalmaamsadeen.

Maamulka degmada Guriceel ay wada qorshe ay kusoo furanayaan labadan ruux ee Shabaabku ka afduubteen Tuulada Burujeed ee hoostagta degmada Guriceel.

Wixii ku soo kordho dhacdaan kala soco Xorriya Online