Iska hor imaad hubeysan oo dhacay magaalada Boosaaso

Ciidamada amaanka maamulka Puntland iyo dagaalyahano katirsan kooxda Daacish ayaa iska hor imaad khasaaro geestay waxa uu ku dhax maray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Goojoogayaal ayaa ku waramay in labo nin hubeesan oo katirsan kooxda Daacish oo watay gaari ay weerareen sadex askari oo wado socday, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad sababay geerida askari katirsan ciidanka Puntland iyo mid kamid ah ragii hubeesnaa.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay nin kale oo katirsanaa kooxda daacish oo lagu dhaawacay iska hor imaadka, waxa ay sidoo kale ciidamada Puntland la wareegeen gaarigii weerarka lagu fuliyay.

Saraakiil katirsan ciidamada maamulka Puntland ayaa gaaray goobta iska hor imaadku ka dhacay, waxa ayna saraakiisha xaqiijiyeen in la dilay xubin katirsan kooxda Daacish sidoo kale la qabtay dagaalyahan kale.

Magaalada Boosaaso ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal qorsheesan oo geesteen dagaalyahano hubeesan oo magaaladaasi ku sugan, waxaana inta badan baxsan jiray dableyda hubeesan ee dilalka ka fuliya Boosaaso.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email