Hub sharci darro ah oo lagu qabtay Itoobiya

Mas’uuliyiinta gobolka Amxaarda ee dalka Itoobiya waxay sheegeen in kumanaan hub sharci darro ah ay ku qabteen halkaas ku qabteen 9 bilood ee lasoo dhaafay.

Hubka la qabtay ayaa isugu jiraa ilaa 5,000 oo bastoolad ah iyo hub kale oo badan.

Waxay sidoo kale saraakiisha sheegeen in gacanta ay ku dhigeen neefaf lo’ ah oo gaaraya 11,658 kuwaas oo ay soo dhaceen burcad xoolaha kala qaadda iyo badeecado si sharci darro ah dalka lagu soo geliyay.

Sakaariisha waxay intaas ku dareen in xabsiga ay u taxaabeen dad gaaraya 225 qof oo looga shakiyay in dalkaas ay geliyeen alaabo sharci darro ah iyo 2,446 oo burcad ah.

Ka ganacsiga hubka sharci darrada ayaa saddexdii sanno ee lasoo dhaafay ku baahay Itoobiya, arrintaas oo khalkhal gelin karta amniga.