Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka Aqalka Sare oo dhaliilay xiliga bixinta Shatiga baloogyada shidaalka

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Aqalka sar ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa ka soo horjeestay go’aanka Wasaaradda Batroolka iyo Macadanta ku dhawaaqday ee ahaa in bixin doonto shatiga baarisa baloogyada shidaalka ee gudaha Soomaaliya.

Wasaarada ayaa shaacisay in marka la gaaro August 2020 ay bixi doonto shatiga 7 Baloog oo shidaal ah kuwaas oo la ogaaday sanadihii 2014 iyo 2015 in shidaal uu dhex ceegaago kuwaa oo ku yaala maamul goboleedyada, Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle.

“Xiligaan waxa uu aduunku maraayaa shidaalka qiimihiisa meeshii ugu xumeed oo ah yaa iga qaata.”—— Senator Ilyaas Cali Xasan

Senator Ilyaas ayaa ka dhawaajiya in guddiga kheyraadka Aqalka Sare uu arrinkan uga soo horjeedo sabab muuqata oo uu ku sheegay qiima dhaca aadka u weyn ee ku yimid Shidaalka caalamka iyo saameynta caalamiga ah xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

“Iib-geynta Shidaalka Somalia xiligaan oo uu aduunku maraayo qiimihiisa meeshii ugu xumeed oo ah yaa iga qaata iyo aduunyada oo la daalaa dhaceyso dhibatada Coronavirus ka waxay tusaale utahay qorshe xumada iyo kala sareysiinta muhiimadaha dalka xiligaan adag”ayuu yiri Senator Ilyaas.

Xukuumadda oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa si weyn ugu howlaneyd qorshaha shidaal baarista Soomaaliya, iyadoo juhdi badan ku bixisay sharciga shidaalka oo Xukuumadda si degdeg u soo diyaarisay una meel marisay, iyadoo Baarlamaanka labada Aqal ay ansixiyeen, isla markaana Madaxweynuhu saxiixay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email