Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo shaaciyay in 500 meyd maalmihii u dambeeyay lagu aasay Muqdisho

“Tirada meydadka qabuuraha la geeyo 19-kii Apriil ilaa 1-da May waxay caga cageyneysaa 500.”– Guddoomiye Cumar Filish

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa sheegay inay diiwaan geliyeen tirada meydadka la geeyo maalin walba qabuuraha ku yaala magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in kulamada uu shir guddoomiyo Ra’iisul wasaaraha ee la xiriira arrimaha COVID-19 hey’ad walba howl loo diro, isagoo xusay in maamulka Gobolka Banaadir loo diray inay ka soo warbixiyaan tirada meydadka maalin walba la aaso.

“Tirada meydadka qabuuraha la geeyo laga soo bilaabo 19-kii bishii iyo iyo hadda oo 1-da May ah waxay caga cageyneysaa 500 oo meyd”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Waxaa uu sheegay in tiradii ugu badneyd ee ay gudbiyaan maalin qura ay aheyd 49 meyd, halka tirada ugu yar ay ka aheyd 22 meyd, waxaa uu xusay inay xalay oo taariikhda aheyd 1-da May gudbiyeen 32 meyd.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in qabuuraha ku yaalla magaalada Muqdisho la geeyay meydad badan, iyadoo dadkaas loo maleynayo inay u dhinteen cudurka Coronavirus, inkastoo aan baaritaan dhab ah la marin.

Warka Gudoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xilli Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay maanta u aqoonsan tahay qof walba oo dhinta inuu dilay Coronavirus.

Waloow Wasaarada Caafimaadka ay beenisay hadalka Wasiir Mareeye uu muran badan ka dhex aloosay bulshada ayaa Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid C/llaahi sheegay in hadalka ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya mid aan xaqiiqo aheyn sidoo kalana carabka ku adkeeyay in warbixinadii Wasaaradda Caafimaadka ka soo baxay uu ahaa mid cilmi ku dhisan oo ku yimid baaritaan ay sameysay wasaaraddu.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email