Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Hey’adda CIS kala wareegay agab loogu hortago Coronavirus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Agaasimaha Hey’adda CIS kala wareegay agab loogu tala galay in looga hortago faafitaanka cudurka safmareenka ah ee Covid-19.

Agaasimaha CIS ayaa balan qaaday in Heyaddiisy ay garab istaag uu muujinayso Shacabka reer Muqdisho.

Gudoomiye Cumar Filish ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hey’adda CIS, iyagoo ka wada hadlay sidii Maamulka Gobolka Banaadir uga gacan siin lahaa dadaalada looga hortagayo cudurka faafa ee Covid-19 sidoo waxaa gudoomiyaha la gudoonsiyayay agab lagu talaaco ka hortagida xanuunka Corona gudaha Xarunta dowladda Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa wehliyay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi.

Agaasimaha Heyadda CIS ayaa balan qaaday garab istaag uu u muujinayo Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan daka danta yar oo wajahay dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah.

Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Heyadda CIS ay kala wareegeen qalab jeermis dilo ah,kaas oo loogau talo galay ka hortaggo Cudurka COVID-19.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email