Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federalka Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa maanta diyaarad gaar kasoo raacay halkaasi ayagoo kusoo wajahan dalka.

Masuuliyiinta oo howlo shaqo u aaday Turkiga ayaa ku go’doomay halkaasi kadib markii xanuunka COVID-19 uu sabab u noqday in duulimaadyadii caalamka kala xirxirmaan.
Masuuliyiinta oo hore u shaacisay in ay xiranyihiin kulamadii labada gole sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Imaatinkooda ayaa aad loo wada sugayey iyo in ay ku dhawaaqi doonaan in la furayo kulamada golayaasha iyo in ay waqtiga xirnaashaha sii kordhin doonaan.
Waxaa Masuuliyiintaan safarka ku wehilya madaxweynihii horee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya.



