Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo dhaliilay dhalinyaradii lagu dilay Gololey

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyay falkii arxan-darada ahaa ee lagu laayay dhalinyaro ka shaqeynayay xarun caafimaad oo ku taal deegaanka Gololey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Falkan arxan-darrada ah ee lagu laayay 8-da aqoonyahan waa rajo-beel, amni darro iyo kicin bulsho.”—-Taabit Cabdi Maxamed

“Maanta Soomaaliya kama go’aan 8 dhallinyaro oo waxbaratay, waliba Gobalka Sh/Dhexe oo aan ognahay baahida caafimaad ee ka jirta xilligan adag, Falkan arxan-darrada ah ee lagu laayay 8-da aqoonyahan waa rajo-beel, amni darro iyo kicin bulsho”ayuu yiri Taabit Cabdi Maxamed

Taabit ayaa ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo falkaas, si ay cadaalad u helaan qoysaska dhalinyaradii la laayay.

Dhacdadii lagu laayay dhalinyaradan ayaa waxay argagax iyo uur-kutaalo ku reebtay dad badan oo Soomaaliyeed, in xilligan dhalinyaro waxbaratay oo caafimaadka ka shaqeynayay si arxan daro ah loo dilo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email