Goolhayihii hore ee xulka Qaran Soomaaliya oo lagu dilay Afgooye

Goolhayihii hore ee xulka Qaranka Soomaaliya Cabdiweli Colaad Qanyare oo loo aqoon ogaa, Gaatamow ayaa lagu dilay degmada Afgooye.

Goolhayihii hore ee xulka Qaran Soomaaliya, Cabdiweli Colaad Qanyare.

Cabdiweli ayaa dilkaan lagula kacay isaga oo ku jira masaajidka, isla markaasna tukanayey salaada Taraawiixda.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo bastoolado ku hubeysan ay ka dambeeyeen dilka marxuumka, kuwaas oo goobta iskaga baxsaday inta aysan ciidamda amniga soo gaarin.

Cabdiweli ayaa dhawaan loo magacaabay guddoomiyaha Xiriirka kubadda cagta degmada Afgooye. Muddooyinkii u dambeeyey waxuu xooga saaray dib u habeynta, horumarinta iyo tayeynta ciyaaraha isbooriga ee magaaladaas.

Waxuu kamid ahaa ciyaartooyda xulka qaranka kubadda Cagta ee Soomaaliya. Sidoo kale waxuu horay ugu soo ciyaaray qaar ka mid ah kooxda kubadda cagta ee gobolka Banaadir.

Waxaa lagu tilmaama mid ka mid ah Goolhayayaasha loo jecelyahay dalka soomaaliya iyo khabiir ciyaaraha waxbadan ka yaqaanay.

Geerida Cabdiweli ayaa waxaa ka tacsiyeey ciyaartooy hore, kuwa hadda iyo mas’uuliyiin ka tirsan bahda isboortiga Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email