Gabar yar oo loo dilay Talefoon ay isticmaashay!

Dalka Jordan waxaa ka dhacday arin dad badan aad uga naxeen si weyna, aadna looga hadal hayo baraha bulshada.

Sida ay ku warameen Warbaahinta wiil 25 sano jir ah ayaa dhabarka toori ka geliyay walaashiis oo 14 sano jir ah, kaddib markii ay teleefonkiisa ka isticmaashay barta Facebook.

Salah Al-Talib, oo ah dacwad oogaha kiiskan ayaa ku eedeeyay wiilka dhalinyarada ah dil naxariis daro ah u geestay walaashiis, waxaana la amray in wiilkan xabsiga lagu sii hayo mudo 14-maalmood ah.

Wiilkan ayaa la sheegay in sababta uu u dilay walaashiis ay aheyd in uu ka carooday in moobeelkiisa gasho kana isticmaalo Facebook, waxa uuna walaashiis la dhacay toorey taa oo sababtay in ay geeriyooto.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa dhacdadan, waxaana dadku inta badan u muuqdeen kuwa si weyn uga careesnaa falka naxariis darada ah uu ku dhaqaaqay wiilkan dilay walaashiis.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email