Gaari uu watay Sarkaal Boolis ah oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Gaariga uu watay Sarkaalka ayaa qaraxa lagula eegtay degmada Xmarweyne.

Gaari uu watay Sarkaal Boolis ah ayaa qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamar weyne.

Qaraxa goordhaw lala eegtay sarkaalka oo ka dhacay degmada Xamar weyne ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa ahaa mid loogu xiray gaarigiisa Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska, waxaana uu qaraxa dhacay xilli uu marayay agagaarka Hotelka Muna ama dhabarka dambe Barxada Iskaashatooyinka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu ku geeriyooday Sarkaalka boolis ee gaariga loogu xiray qaraxa, waxaana magaciisa lagu soo koobay Jaabiri.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay tagay, waxaana ay ka qaadeen Meydka Sarkaalka Booliska ahaa.

Qaraxyada nuuca loo yaqaano dhejiska ee gaadiidka lagu xiro ayaa muddooyinkii u dambeeyay yaraaday.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email