Faah faahin: Fatahaada Wabi Shabeelle oo Dad ku qaaday Magaalada Baladweyne

Fatahaad xoogan ee magaalda Baladweyne oo uu sameeyay wabiga shabeelle ayaa maanta sababtay in qaado dad ka ag dhawaa meelaha ay saameyn fatahadaada wabiga.

Webiga ayaa qaaday 10 ruux, 8 ayaa la helay halka 2 qofn wali la raadinaayo.

Ilo wareedyo sugan oo aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in fatahaada Biyaha ee Wabiga shabeelle saacadihii la soo dhaafay uu qaaday dad ku sugnaa agagaarka wabiga, kuwaasi oo qaarkood lasoo badbaadiyay.

Wararka oo hordhac ah ayaa xaqiijiyay in Webiga uu qaaday 10 ruux oo ku sugnaa Xaafadda Buundo Koowaad ee isku xirta Baladweyne iyo deegaanka Ceel-jaale, isku day badan ay sameeyn dadka deegaanka ahna ay soo badbaadiyen 8 qof.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Biyaha webiga weli lagu la’yay Nolol iyo geeri 2 ruux, hayeeshee waxaa socda Gurmad xoogan oo loogu  jiro sidii loo heli lahaa dadkaas, waxaana lagu raadinayaan doomo.

Dhinaca kale Xaafadaha qaar ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa xilligaan ku go’doonsan dad farabadan oo uu saameeyey fatahaada Wabiga Shabeelle, kuwaas oo xaafadahooda kasoo bixi waayay.

Inta badan Xaafadaha magaalada Baladweyne ayaa waxa buux dhaafiyey biyaha kasoo baxay Wabiga ee fatahaada ah, waxaana taasi ay sababtay in dadka qaarkood ay Magaalada ka bixi waayaan.

Magaalada Baladweyne oo dabeecad u yeelatay fatahaada wabiga sanad walba ayaa mudooyinkii dambe ka jiray cabsi xoogan oo ah biyaha wabiga oo si saree u soo buux dhaafinayay gudaa magaalada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email