Faah Faahin Dheerad Ah oo Ka Soo Baxaya diyaaraddii ku burburtay Bardaale Iyadoo Dowladdana bilowday baaritaano

“5 qof ayaa ku dhimatay shilka diyaarada.”-Xildhibaan C/raxmaan Ibbi ahna Milkiili

Warar horleh ayaa ka soo baxaya diyaarad shalay galab ku burburtay degmada Bardaale, taasoo oo siday qalab caafimaad.

Diyaaradan oo ay leedahay Shirkadda African Express ayaa ka soo kacday magaalada Baydhabo  waxaa la sheegay inay agab caafimaad u siday Hey’adda ICRC.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayay qaabka ay ku burburtay diyaarada, waxaana wararka qaar sheegayaan in wax lagu dhiftay oo ay ku soo dhacday.

Mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda African Express ayaa sheegay inay u badan tahay in diyaarada gantaal lagu dhiftay ay sababtay diyaaraddu burburto.

Xildhibaan C/raxmaan Ibbi oo ka mid ah milkiilayaasha diyaaradda ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen diyaarada oo labo ka mid ah ay ahaayeen duuliyeyaasha diyaarada, wakiilkii xamuulka siday iyo wakiilka shirkadda.

Sidoo kale waxaa uu soo bandhigay sawir laga qaaday satelite oo muujinaya in diyaarada wax lagu dhiftay, xilli diyaaradda 5KM u jirtay Runway-ga garoonka diyaaradaha Bardaale.

Muuqaalo laga soo qaaday diyaaradda ayaa la arkayay qiic iyo holac ka baxayay goobta ay ku burburtay diyaaradda.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay inay baarayaan sababta dhabta ah ee keenay burburk.a diyaaradda.

Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday baaritaan ku aadan diyaaraddii shalay ku burburtay magaalada Bardaale ee Gobolka Baay, iyadoo natiijada baaritaanka si degdeg ah loo shaacin doono.

Guddi khubaro ah oo ka socda Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa loo diray goobta ay ku burburtay diyaaradda, si ay u soo ogaadaan sababta ka dambeysay, haddii diyaaradda iskeed u burburtay iyo haddii la soo riday.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad ayaa sheegay in Lix ruux oo Soomaali iyo Kenyan ay ku dhinteen shilka diyaaradeed, inkastoo uu xusay in la helay meydadka shan ruux.

Shakiga ku aadan in diyaaradda la soo riday ayaa aad u soo xoogeysanaya, waxaana mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha African Express ay ku adkeysanayaan in diyaaradooda la soo riday.

Halkaan hoose ka daalaco sawirada burburka diyaarada;

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email