Dowladda Turkiga oo ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu taageero Ururka Al-Shabaab Soomaaliya

“Dowladda Imaaraadka waxuu taageeraa kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab”- Hami Aksor, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga.

Xasarad xoogan oo ka aloolsaneyd muddooyinkii dambe wadamadda Turkiga iyo Imaaraatka Carabta ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ay ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta in ay taagerto Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya iyo ururo kale.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga Hami Aksor ayaa sheegay in Imaaraadka uu taageero kooxda Argagixisada Al-Shabaab, isagoo caddeeyay in aanay aheyn arrintaas mid qarsoon.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga oo lagu shaaciyay Twitter-ka qeybta carabiga ee Telefishinka TRT ayaa lagu sheegay in Imaaraadka taageero kooxda gooni u goosadka Yemen, isla markaana qalalaase ka wado Suuriya.

Imaaraadka Carabta iyo Turkiga ayaa xilligan isku haya dagaalka ka socda dalka Libiya, waxaana Turkiga taageerayaa dowladda ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobey, halka Imaaraadka Carabta uu taageerayo Jeneraalka lagu magacaabo Khalifa Haftar.

Xasradaan is faham waaga ah ee u dhaxeysa labada dal ayaa qubarada falanqeeya arrimaha siyaasadda ay sheegayaan inay macquul ay tahay inay u soo weecato Soomaaliya, marka loo eego galaan-galka Turkiga ku leeyahay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan taageerada uu siiyo dowladda Federaalka iyo Imaaraadka oo qudhiisa aanu wali ka marneyn siyaasadda Soomaaliya, si muuqatana u taageero maamulka Puntland iyo Maamulka Somaliland oo shirkad laga leeyahay Imaaraadka uu gacanta ku haayo maamulka Dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email