Dowladda Soomaaliya oo si adag ugu hadashay dhalinyaradii lagu laayay Gololey

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegaytay xasuuqa falalka noocaan ay ku caan baxeen kooxaha argagixisada ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay deegaanka Gololey oo hoos-tagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo lagu dilay illaa 8 dhalinyaro ka shaqeynayay xarun caafimaad.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay xasuuqa falalka noocaan ay ku caan baxeen kooxaha argagixisada,  ayna ka shaqeeyaan iska hor keenta qeybaha kala duwan ee bulshada , si ay colaad uga dhex abuuraan.

Sidoo kale dowladda ayaa amartay baaritaan degdeg ah in lagu sameeyo dhacdadaas, laguna dadaalo in dambiilayaasha xasuuqay dadkaas gacanta lagu soo dhigo, si cadaaladda loo horkeeno.

War saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta:-

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email