Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in aysan berri maalin ciid aheyn

Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in berri oo Sabti ah la dhameestirayo bisha Barakeesan ee Ramadaan.

Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta ayaa sheegtay in la waayay qof aragtay bisha Shawaal, sidaa darteedna berri oo Sabti ah la dhameestirayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dowladda ayaa sheegtay in maalinta Axada ee noqoneyso maalinka kobaad ee Ciidul Fidriga.

Inta badan wadamada Islaamka ayaa caawa shaaciyay in beri ay tahay Maalin Soon ah islamarkaan la dhamaystiri doono 30ka Maalmood ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Dawladaha Soomaaliya, Qadar, Jabuuti, Sacuud Carabia iyo wadamo kale ayaa faafintooda rasmiga ah ku sheegay in aan weli la arag bishii, taas darteedna ay beri soon tahay.

Sidoo Kale Maalinka Axada ah ayaa lagu wadaa in si isku mid ah looga ciido inta badan dunidda islaamka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email