Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay bilaabayso bixinta oggolaansho shidaal dalka laga baaro

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu shaacisay in ay bilaabeyso bixinta shatiga baloogyada Saliida lagu baaraayo ee gudaha Soomaaliya , kagaadal war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

“7 baloog ayaa la bixin doono kuwaas oo ku kala
yaala Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.”
—- Wasiir C/rashiid Maxamed Axmed

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay xilliga la bilaabayo bixinta shatiga baloogyada Saliidda laga baarayo Soomaaliya taas uu ka dhawaajiyay in 4-ta bisha August ee sandkaan gudhahiisa la bilaabayo tartanka Shirkadaha u hanqaltaagaya fursadaas, isla markaana la soo gabagabeyn doono shati bixinta bisha Maarso ee sanadka 2021.

Sida laga dheehan karo hadalka Wasiirka Batroolka ayaa ka dhigan in Soomaaliya bisha Maarso ee 2021 si rasmi ah ugu bilaban doonto baaritaanka saliid.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in tartankaas lagu soo bandhigi doono illaa todobo baloog oo ay horay dowladda Soomaaliya u baartay sanadihii 2014 illaa 2015.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaaiyay in iminka ay bixin doonaan 7 marka la gaaro bisha Agosto ee socota ayay waxay ku kala yaallaan afarta maamul goboleed ee kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, baloogyadaas oo kala ah :-

Galmudug 152 and 153
HirShabelle 164 and 165
Koofur Galbeed 177 iyo 178
Jubaland 204

Dhanka kale, iyadoo dalka uu ka jiro hanaan federaal ah ayay maamul goboleedyada horay uga soo horjeestay sharcigan, iyagoo ku tilmaamay mid aan lagu heshiin oo ay ka muuqato daldaloolo, inkastoo Shirkii ka dhacay sanadkii 2018 ee dhex maray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada lagu heshiiyay qaabka loo qeybsanayo kheyraadka dalka.

Wali wax hadal ah kama soo yeerin maamul goboleeyda ay wasaarada sheegtay in ay bixin doonto shatiyada lagu baarayo saliida ee gudaha maamulkooda.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email