Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay berri tahay maalin Ciid

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa goor dhow iclaamiyay in maalinta berri oo Sabti ah ay tahay maalin ciid ah.

Wasiirka oo la hadlayey warbaahinta ku hadasho afka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijey in bisha Soonfur ama Shawaal laga arkay qeybo badan oo dalka ka mid ah.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa caawo fiidkii horey u shaacisay in aan la arkin dhalashada bisha sidaas darteedana ay maalinta berri noqon doonto maalin Soon ah si loo dhameystiro 30 maalin ee bisha Ramadaan.

Meelaha laga arkay bisha ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo deegaano ka tiran Jubooyinka, Baay, Gedo iyo Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale, waxaa bisha laga arkay Dowlad Deegaaanka Soomaaliya iyo qeybo ka mid dalka Kenya.