Dowladda Soomaaliya oo Gargaar caafimaad gaarsiisay Dhuusa Mareeb

Waa maamulkii 3aad ay dowladda Soomaaliya gargaarn caafimaad gaarsineyso sida uu u dilaacay COVID-19.

Ka gadaal markii uu dalka uu ka dilaacay xanunka Coronavirus ayaa wafdi ka socday xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo xubno ka tirsan guddiga qaran ee ka hortagga COVID-19 ay agab caafimaad geeyeen magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta GalMudug.

Agabkan ayaa loo adeegsan doonaa sidii loo xakameyn lahaa safmarka Coronovirus, waana maamulkii sadexaad oo agabkan la gaarsiiyo.

Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeele ayaa horey loogu wareejiyay agabkan ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo loogu talagalay in lagula tacaalo bushiga COVID-19.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa amray in dhammaan maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir dowladdu gaarsiiso agab iyo maaliyad loo adeegsado ka hor tagga safmarka Coronovirus.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email