Dowladda Soomaaliya oo Gurmad Gaarsiisay Magaalada Baardheere

Waa gargaarkii ugu horeeyay ee ka lala gaaro magaalada Baardheere Fatahaadii ka dib.

Ka gadaal markii ay dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in gargaar lala gaaro magaalooyinka ay fatahaadaha ku dhufteyn ayaa Wasiirka gargaarka, wasiir kuxigeenka Batroolka iyo howl wadeenna ka socda wasaaradda Tamarta iyo biyaha ay gargaar gaarsiiyeyn magaalada Baardheere ee gobalka Gedo oo kamid ah deegaanada ay fatahaaduhu dhibaatada ka geysteen.

Wasiirrada iyo Engineer ka socday wasaaradda biyaha ayaa sidoo kale kormeeray deegaannada uu wabiga Jubba ku fatahay iyo meelaha uu wabigu biyaha ka keenay si loogu diyaar garoobo xiridda meelaha uu Wabigu ka fatahayo.

Maamulka Baardheere ee gobalka Gedo ayaa dowladda federaalka uga mahad celiyay gargaarka loogu gurmanayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Wasiirrada ka socda xukuumadda ayaa shacabka ku nool Baardheere u ballan qaaday in dowladdu ay sii wadeyso gurmadka lagu samata bixinayo inta xaaladdu sideedii hore kusoo laabaneyso.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email