Dowladda oo ka warbixisay xaaladahii uu dambeeyay la diiwaangeliyay ee COVID-19

Dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixisy xaaladahii la diiwaan geliayay muddadii 24-kii saac aheyd ee la soo dhaafay iyo goobaha laga diiwaangeliyay xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus.

“13 xaaladood oo COVID19 ah, ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay.”—— Dr Fuje

La taliyaha sare ee COVID19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegay in 24kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 13 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,731.

Bukaannada cusub oo laga diiwaan geliyay Somaliland 8 iyo gobalka Banaadir 5 ayaa 10 kamid ah waxa ay yihiin rag, 3-na waa haween.

Feyruska Karoona waxaa bogsooday 12 qofood oo cusub taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 265 qofood.

Lama diiwaan gelin bukaan cusub oo u geeriyooday COVID19, waxaana geerida guud mareysaa 67.

Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa ku baaqay in lagu dadaalo kahor tagga iyo faafitaanka cudurka si loo yareeyo saameynta COVID19 uu bulshada ku yeelanayo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email