Dowladda oo Gargaar Caafimaad dheeri ah gaarsiineysa Gobollada Dalka

Si loo badbaadiyo dadka uu COVID-19 soo ridanayo, Kheyre ayaa amray in gargaar la gaarsiiyo gobolada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay shir guddoomiyay Shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka COVID19,kaas oo habeen walba si joogta ah u qabsooma.

Shirka oo u qabsoomay hab muuqaal Internet-ka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Caafimaad ee gobolada dalka gaar ahaan Coronavirus iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa amray in gargaar caafimaad oo dheeraad ah si degdeg ah loola gaaro gobolladda dalka, si loo badbaadiyo dadka uu cudurku soo ridanayo loona xakameeyo faafidda COVID-19.

Horay ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay gurmad Caafimaad oo kala duwan ay gaarsiisay Gobolada dalka oo laga helay kiisas kamid ah Cudurka Coronavirus,sida Cadaado, Kismaayo, Jowhar, Magaalada Garoowe iyo deegaano kale.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email