Dowladda oo gaarsiisay Beladweyne diyaarada siday agab looga hortagayo fatahaadda webiga Shabeelle

Iyadoo cabsi xoogan laga qabo in fataahad weyn ay ka dhacdo magaalada Baladweyne halkas oo maalmihii dambe wabiga uu sameeyay biyo bax ayaa dowladda Soomaaliya ay gelinkii dambe ee maanta Beledweyne geysay diyaarad siday agab looga hortagayo  in uu fataho wabiga Shabeelle ee Beledweyne, waxaana agabka ka mid ah jawaanno iyo biro loogu talagalay in  caratuur lagu sameeyo.

Agabkan ayaa ah mid loogu talagalay in loo adeegsado ka hortaga fatahaada wabiga Shabeelle magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana agabka la wareegay maamulka Gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayay aheyd ka markii wafdi balaaran ee uu horkacayay Wasiirka Boostada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kormeer qiimeyn ah oo lagu ogaanayo xaaladihii ugu dambeeyay ee fatahaada wabiga Shabeele ay ku tageen magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana maanta dowladdu ay Beladweyne gaarsiisay agab biyaha looga hortegayo.

Halkaan Hoose ka daalaco sawirada gurmadka Baladweyne;-

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email