Dowladda Norway oo sharci siineysa 1600 oo qof oo Soomaali ah

Dowladda Norway ayaa ku dhawaad 1,600, oo qof oo Soomaali ah u ogolaaneysa sharciga deganaashaha dalkaas.

Dadkaas gaaraya 1,600 ayaa horay badankood dowladdu badankood sharciga degenaanshaha dalka Norway ugala noqotay, halka qaarna laga xayiray.

Dhawaan ayaa dadkaas Soomaaliyeed loo ogolaaday in la siinayo sharciyada ay dalkaas Norway ku joogi karaan.

War ka soo baxay wasaaradda Caddaladda ee dalka Norway, ayaa lagu sheegay in dadkaas oo badankoodu mudo dheer sharciga sugayey, loogu ogolaaday siyaabo kala duwan oo la xiriira xaaladaha bani’aadannimo ee jira.

Dadkan ayaa la sheegay inay badankood dalka Norway soo galeen intii u dhaxeysay sanadihii 2012-kii illaa 2016-kii.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email