Dowladda Mareykanka oo Eydeemo Horleh u Jeedisay China in ay ka dambeysay Faafida COVID-19

“Waxa aan haynaa caddeymo muujinaya in COVID-19 lagu unkay sheybaar ku yaalla Wuhan.” – Mike Pompeo

Faafitaankii xanuunka Coronavirus kaas oo aduunka oo idil ku noqday ibtalo iyo waxba laga qaban waa’ ayaa sidoo kale sababay qilaaf siyaasadeed xoogaan oo u dhexeeyay dowladdaha Mareykanka iyo Shiinaha oo mid ba uu kan kale ku tilmaamayay in uu ka dambeeyo sababta faafitaanka cudurka.

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya in Coronavirus lagu soo unkay sheybaar ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Magaalada Wuhan ayaa aheyd halkii uu ka soo bilowday cudurka Coronavirus ee saf marka noqday, kaasoo ku faafay adduunka oo dhan, waxaana uu sababay in boqolaal kun ay u dhintaan, halka malaayiin kalena la ildaran yihiin.

Mike Pompeo ayaa sheegay in uusan heyn sabab uu shaki u geliyo warbixinta Sirdoonka Mareykanka ee ku saabsaneyd in Fayraskan uusan aheyn mid bani’aadam gacantiisa ku sameeyay.

Seynisyahanno badan ayaa aaminsan in coronavirus uu ka soo unkamay xaywaanka duurjoogta ahi ee lagu kala iibsado seyladaha Shiinaha.

Dalka Shiinaha ayaa horay gaashaanka ugu daruuray wararka sheegayay in mid ka mid ah sheybaaradiisa uu ka soo fakaday fayraskan dunida halakeeyay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email