Dowladda Maraykanka oo madaxweyne Farmaajo talo iyo baaq u soo jeedisay

Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan u qabto kulanka Golaha Amniga Qaranka, si looga wada hadlo qorsheynta doorashada soo socota, iskaashiga amniga, iyo waxyaabaha kale ee mudnaanta leh ee qaranka.

Maraykanka wuxuu sheegay inuu aad uga xunyahay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada aysan wali ka heshiin arimaha doorashada, isagoo ka walaacsan in jadwalka doorashadu dib u dhac ku yimaado.

Bayaanka dowladda Maraykanka kasoo baxay waxaa sidoo kale barlamaanka Soomaaliya loogu yeeray inuu meel mariyo shuruucda doorashada iyo in Muqdisho iskugu yimaadaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka, bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaasha kale ee ay quseyso si ay u gaaraan is afgarad ku saabsan geedi socodka doorashada.

Maraykanka wuxuu walaac xoogan ka muujiyay loolanka siyaasadeed ee ka socda qaar kamid ah gobolada, kaasoo saameyn ku yeeshay dagaalka Al-Shabaab.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email