Dowladaha Suudaan iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xiisadda ka taagan xuduuda labada dal

Ra’iisul Wasaare Abdalla Hamdouk ee Suudaan iyo dhiggiisa Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa ka wada hadlay xiisadda ka taagan xuduuda labada dal.

ka gadaal muran siyaasadeed xoogan oo u dhaxeeyay dowladaha Suudaan iyo Itoobiya ayaa Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Abdalla Hamdouk iyo dhiggiisa Itoobiya Abiy Ahmed Ali ay ka wada hadlayn xiisadda ka taagan xuduuda labada dal.

Sida ay soo warisay Wakaalada Wararka ee Sudan labada Hoggaamiye ayaa khadka taleefanka uga hadlay xalinta xiisadda xuduuda labada dal.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa isku raacay in guddi loo saaro xalinta xiisadda ka taagan xuduuda labada dal.

Suudaan ayaa dhowaan ugu baaqday Itoobiya in ciidamadeeda kala baxdo deegaanla Al-Fashaqa oo sanado labada dal ku muransan yihiin

Bartamihii bishii hore ee April ayaa Askari u dhashay dalka Suudaan lagu dilay, saddex kalena la dhaawacay, kaddib weerar Ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email