Diyaarad gaar ah oo Muqdisho kasoo qaadey 153 qof oo ku xayirnaa

Diyaarad gaar ah ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ka soo qaaday 153 qof oo ku xayirmey magaalada kadib markii la joojiyey inta badanduulamaadyadii dunida, sababo la xiriira xanuunka Coronavirus.

Dadkan ayaa ah Soomaali heysta dhalashada dalalka Mareykanka, Canada iyo Britain.

Safaarada Mareykanka oo iyadu markii hore diyaarisey duulimaadkan ayaa dooneysey in ay muwaadiniinteeda ku keento dalkan Mareykanka.

Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa galabta 4-ta galabnimo ka duushay Muqdisho waxaana ay dadkan geyn doontaa magaalada Addis Ababa oo ay ka dibna ka soo qaadan doonaan duulimaadyo tagaya magaalooyinka Washington DC, London iyo Toronto.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa Xorriya Online u sheegay in Ethiopian Airlines ay ku dallacday lacag aad uga badan tan caadiga ah ee lagu goosto tickidhada, ayada oo ka faa’iideysaneysa duruufta haysata dadka.

Arrintan ayaa sababta in qaar ka mid ah dadki ku xayiran Muqdisho ay goysteen inay kusii nagaadaan, ayaga oo ka biyo diiday inay lacag xad dhaaf ah bixiyaan.

Safaaradaha reer galbeedka ee fadhigooda yahay Muqdisho ayaa muddo diyaarinayay sidii dadkan loogu heli lahaa qaab looga saaro dalka Soomaaliya, waxaana xiriiro la soo sameeyay safaaradaha.

Soomaalida qurbajoogta ah ayaa muddo 14 maalmood ah oo karaantiil ah la marin doonaa ama laga dalban doono inay is-karantiilaan, marka ay ku laabtan dalalkoodii.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email