Dhageyso: Safiirka Jabuuti oo sheegay cidda ay u dhiibeen lacagtii gurmadka fatahaada Beledweyne

Xorriya Online: Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Amb. Aadan Xasan Aadan (Balelo) ayaa shaaca ka qaaday in lacagtii ay ugu tala galeen gurmadka fatahaada Beledweyne ay bixiyeen 7 bilood ka hor.

Danjiraha Jamhuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan

Danjiraha Jabuuti ayaa xaqiijisay in ay lacagtaas ay ku wareejiyeen Wasiirak gargaarka iyo Musiibooyinka ee Soomaaliya Xamza.

Hadalka safiirka ayaa yimid kadib markii Guddiga Gurmadka Beleweyne ayaa 7-dii May, 2020 ay sheegay in lacag gaareysa $600,000 oo ay dowladdu Jabuuti ugu deeqday dadka ay fatahaaduhu saameeyeen aanay iyagu soo gaarin.

Xorriya.com kala soco warar iyo warbixinno xaqiiq ah

Arrinkaan fadeexadda noqday ayaa siyaasiyiin, xildhibaano iyo wargarad bdan ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya in ay ka gaabisay waajibkeedi ka saarnaa shacabka ku dhaqan Beledweyne.

Hase yeeshee madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in lacagtaas lasoo gaarsiiyey shalay.

Safiirka oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa arrinkaan si faahfaahsan uga hadlay.

Halkaan hoos ka dhageyso wareysiga safiirka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email