Dhageyso: Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland oo horay u sheegay in dil loo qorsheeyey

Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland ee shalay qaraxa lagu dilay ayaa horay uga hadlay weeraro qaraxyo ah oo uu sheegay inay Al-Shabaab la damacsan yihiin inay ku dileen.

Wareysi uu bixiyay ayaa waxaa uu ku sheegay in ka hore magaalada Gaalkacyo qeybta laga qabtay jaakado qaraxyo ah oo lala damacsanaa in lagu dilo, isla markaana Ciidamada PSF-ta ee sirdoonka Puntland ay kusoo wargaliyeen in uu muujiyo feejignaan amni.

Waxaa xilliga wareysiga laga qaaday uu sheegay in ciidamada sirdoonka Puntland ay u sheegeen in uu iska yareeyo tegitaanka Shirarka iyo Hotelada,balse uu aaminsanaa in mar uun uu dhimanayo.

Shalay ayaa weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday Gaari uu saarnaa xilli uu kasoo baxay Xarunta Gobolka ee magaalada Gaalkacyo lagu dilay,isaga iyo qaar kamid ahaa ilaaladiisa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email