Dhageyso: Guddiga Fatahaada Beledweyne oo lacagtii lagu wareejin iyo guddiga oo la rabo in la badalo

Maalintii shanaad ayaa waxaa bannaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waran kumannaan qoys oo ka baro-kacay biyaha guryahooda harqiyay, kadib fatahaad ka dhacday magaalada.

Majiro wax gar-gaar ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya ama dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dadkaasi ilaa iyo hadda la gaarsiiyay.

Waxaa jirta lacag loogu talo-galay in lagu caawiyo dadkii ay ku dhufatay musiibadii sidan oo kale ku habsatay sanadkii hore, lacagtaas oo soo daahday ayay Dowladda Soomaaliya ku wareejisay maamulka Hirshabeelle Axaddii lasoo dhaafay, laakiin dhaqaalahaasi wali laguma wareejin Guddiga Gurmadka Fatahaadda Beledweyne, meel fagaare ahna laguma soo bandhigin, oo wali khasnadda Hirshabeelle ayey ku jirtaa.

Warar hoose ayaa sheegayo in laga yaabo madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaan guddi kale kaas oo loo xilsaari rabo maareynta fatahaadaha iyo xaaladaha kadhasho.

Haddaba sababta waxaa shaki iyo su’aalo ka dhasheen sababta lacagtaasi aan ilaa hadda si daah-furnaan ah wax loogu qaban iyo iyo sababta lacagta loogu dhiibi la’yahay Guddiga Gurmadka Fatahaada Beledweyne.

Wariyaha laanta Afsoomaaliga ee VOA-ga ay arrintaa ka wareystay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email