Degdeg: Dowladda Soomaaliya ayaa ka hortimid codsiga Kenya ee kiiska dacwadda Badda in dib loo dhigo

Xorriya Online: Dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay codsiga dowladda Kenya u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ahaa in dib loo dhigo dhageysiga garnaqsiga soohdinta badda ee kala dhaxeeyo Soomaaliya muddo aan la cayimin

Soomaaliya ayaa si xooggan u diidan dalabkaan, waxeyna ku eedeysay Kenya in ujeedkeedu yahay in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan Maxkamadda Cadaaladda adduunka ee ICJ ee xanunteeda tahay magaalada Hague ee dalka Netherland.

Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jirto in arrinkaan lagu xalligo meel ka baxsan maxkamadda. Waxey dooneysaa in ay murankaan xalliyaan African Union, IGAD ama dalal. Kenya ayaa si toos ah u sheegtay in ay jeclaan laheyd in arrinkaan lagu dhameeyo is afgarad iyo diblumaasiyad.

Laakiin dowladda Soomaaliya ayaa markasto si cad u sheegto in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka, ICJ ay tahay meesha ugu habboon in dacwadaan lagu qaado. Soomaaliya ayaa aaminsan la lagu kala baxo qawaaniinta iyo sharuucda caalamiga maadaam labada dal ay isxalin karin.

Gal dacwadeedkaan ayey tahay in laqaado 8-da Juun, 2020. Lama saadaalin karo waxey noqon doonto jawaabta ay maxkamadda ka bixin doonto codsiga Kenya ay u gudbisay.

Sawirkaan hoose ka fiiri sida lagu muransan yahay xadka badda

Sidaan oo kale ayey Kenya horey labo jeer uga dalbatay maxkamadda in ay dib u dhigto dhegeysiga dacwadda taas oo ay Soomaaliya diidaneen, balse ay maxkamadda aqbashay dalabkii Kenya.

Dad badan oo arrintaan u dhuunduleelo, sharciyadda caalamiga iyo diblumaasiyadda si wanaagsan u yaqaan ayaa aaminsan in ay maxkamadda aqbali doonto dalabkaan ay Kenya u soo gudbisay marka la eego doodeeda oo u muuqato mid loo qaateen ah.

Xorriya.com kala soco warar iyo warbixinno xaqiiq ah

Kenya ayaa markaan dalbakeeda sabab uga dhigtay sababo la xariiro xanuunka COVID-19 uu saameyn ku yeeshay shaqada qareennada ku matalayay dacwadda oo aan isku imaan karin iyo in cudurkaan safmarka ah uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalkeeda.

Sidoo kale, waxey qiil uga dhigtay in dhageysiga dacwadd dib loo dhigo in muhiimadda siineyso oo dhaqaalo badan ku bixineyso arrimaha degdega ah sida la dagaalanka xanuunka Coronavirus sidaas darteedana aysan hatan heli karin lacag ay siiso qareenada difaacayo doodeeda.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed

Balse, ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo BBC-du weydiisay in arintaasi tahay mid laga garaabi karo ayaa ku jawaabay, “Waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin, oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin. Hase yeeshee, maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto, habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto

Raysal wasaare kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Bishaan Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hada hal kiis ayay ku dhegaysatay…, Mawqifka dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye, in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin, go’aankaas ayaanan u qornay maxkamada caalamiga ah ee adduunka, laguna dhegaysto dacwada habka maqalka iyo muuqaalka ah ama Video Conference oo ay maxkamadu hada gacanta ku hayso kana shaqaysay tijaabisayna

Dhanka Kenya ilaa haatan wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin oo ku saabsan waraaqahan ay ku kala aragtida duwan yihiin Soomaaliye ee ay u direen labada dalba Maxkamadda Cadaaladda Aduunka, hase yeeshee waxa la filayaa in ay maxkamaddu go’aanka ay ka gaadho codsigaa Kenya shaacin doono todobaadka dambe.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email