Degdeg: Ciidamda Itoobiya oo diyaarad rakaab ah ku soo riday Soomaaliya

Xorroiya Online: Diyaarad nooceedu yahay kuwa yaryar ee xamuulka, kana duushey magaalada Muqdisho, taas oo wadey gargaar ayaa ku burburtey meel ku dhaw garoonka diyaaradaha ee Bardaale gobolka Baay.

Diyaaradda shilka gashey waxaa iskalahaa shirkadda African Express oo ah shirkad ka howl gasho gudaha dalka Soomaaliya, dalalka dariska ah, dalka ka Carabta iyo dalal kale ee ku yaallo qaaradda Africa.

Xorriya.com kala soco warar iyo warbixinno xaqiiq ah

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo dooneynin in magacooda iyo sawirkooda la isticmaalo, ayaa sheegaya in diyaaradda ay soo rideen ciidamada Itoobiya ee ku sugan garoonka Bardaale. Diyaaraddan ayaa la sheegay in si ula kac ah loogu dhuftay qoriga Sabanka ah ama loo yaqaan RPG, xilli ay ka dageysay garoonka Bardaale.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda ay geeriyoodeen. Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa afar, laba shaqaale ah iyo duuliyeyaashi diyaaradda.

Wixii dhacdadaan ku soo kordho kala soco Xorriya Online.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email