Deg deg: Wasiir ka tirsanaa Hirshabelle oo geeriyooday

Axmed Cumar Gaaboow (Sheekh libi) oo Hirshabelle Wasiir ka ahaa oo geeriyooday.

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Jowhar  ku geriyooday wasiirkii hubka dhigsta dhaqan-celinya maleeshiyaadka ee maamulkaas Axmed Cumar Gaaboow (Sheekh libi).

Axmed Cumar Gaaboow ayaa ahaa wasiir iyo xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle waxaana la xaqiijiyay in uu u geeriyooday xanuun maalmihii lasoo dhaafayay hayay sidoo kalan muddo dhowr maalmood ah ku xanuunsanaa magaalada Jowhar, waxaana la sheegay in lagala tacaalayey Malaria iyo cudurro kale, balse uu saaka barqadii geeriyooday.

Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa saxaafada u xaqiijiyay geerida Allaha u naxriistii  wasiirkii hubka dhigsta dhaqan-celinya maleeshiyaadka hirshabeelle.

Waa masuulkiii labaad oo ka geeriyooday maamulka Hirshabeelle ka gadaal, sida uu bilaawday xanuunka Coronavirus oo gudaha dalka si ba’an ugu faafay dad badana soo ritay sidaas oo kale dad kale ay u geeriyoodeyn.