Deg deg: Nabadoon caan ahaa oo goor dhaweyd dil loogu geystay magaalada Muqdisho

Wararka goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Muqdisho ku dileen dabley nabadoon caan ahaa iyo askari ilaalo ahaan ula socday, iyadoo markii dambe kooxdii hubeysnaa ay baxsadeen.

Nabaddoon Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo askariga la socday ayaa lagu dilay xaafada Suuq Bacaad degmada Yaaqshiid.

Dilkan oo ka dhacay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda Suuq Bacaad ayaa wararku sheegayaan in Nabadoonka ay weerareen dabley Bistoolado ku hubeysnaa oo rasaas badan ku furay Nabaddoon Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo askariga la socday oo lagu magacaabi jiray Mahad Maxamud Cadow (Mahad Uunsow) , halkaasoo ay ku dhinteen labadiiba.

Ugaaska ayaa ka mid ahaa odayasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu dilay xilli uu fadhiyay goob Baar ah, iyadoo ay baxsadeen dableydii dilka geysatay.

Ciidamada Amniga ayaa tegay goobta dilku ka dhacay iyagoo halkaasi ka qaaday labada meyd si baaritaan loogu sameeyo, mana jirto faahfaahin ay kasoo saareen hay’adaha Amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email