Dawlada Soomaaliya oo diyaarado sida gargaar u dirtay magaalada Qardho

Diyaarado sida wafdi ka socda dawlada Soomaaliya ayaa maanta waxa ay ka baxday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxana ay ku wajahan yihiin magaalada Qardho.

Diyaaradahan iyo xubnaha wafdiga ah ee la socda ayaa waxa ay gargaar u sidaan dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay ee shacabka ah, daadadkii roobkii ku dhufty magaalada Qardho.

Xubnaha wafdiga ah ee la socda gargaarkan ay dirtay dawlada Soomaaliya, ayaa waxaa ka mid ah wasiiru dawlaha wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim, waxa uu sheegay in marka hore ay tagi doonaan magaalada Garowe, si ay maamulka Puntland uga xog wareystaan khasaarihii ka dhashay daadadkii Qardho, kadibna ay si toos ah ugu sii gudbi doonaan magaalada Qardho.

Gargaarkan ka hor ayaa dawlada Soomaaliya waxa ay ku wareejisay maamulka Puntland lacag deeq ah oo dhan $1 miyan oo doolar, taas oo ay ugu talo gashay in lagu caawiyo shacab reer Qardho ee ay daadadku saameeyeen.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email