Xorriya Online: Warbixin lagu daabacay bogga safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay wado qorshe ah in dadkeeda ku xayiran gudaha Soomaaliya ay ku soo guryo celiso dalkooda Mareykanka sida ugu dhaqsiyaha badan.

Qoraalka ayaa lagu faahfaahiye qaabka iyo waqtiga ay billaabaneyso howsha uu dalka Mareykanaka muwaadiniintiisa kala baxaayo Soomaaliya.
Warbixnta ayaa lagu xusay in duullimaadka dadkaasi looga qaadayo Muqdisho ay sameyn doonto diyaaradda Ethiopian Airlines. Waxaa dadka doonaya in ay baxaan lagu wargaliyey in ticket-yada ay iibsadaan illaa iyo 14-ka bishan May.
Duulimaadka ayaa noqon doona khadka Muqdisho, Soomaaliya, Adis-ababa, Ethiopia iyo Virginia oo ah Mareykanka.
Xorriya.com kala soco warar iyo warbixinno xaqiiq ah
Mareykanka ayaa arrinkaan sabab uga dhigay sababo la xiriiro xanuunka COVID-19 ee dalka Soomaaliya oo ka siidareyso iyo dowladda Soomaaliya oo laheyn awood ay ku xakameyso faafista cudurkaan iyo latacaalidda bukaanada uu ku dhaco cudurka Coronavirus.
Dalka Mareykanka ayaa noqonaayo dalkii labaad oo qaado tillaabo nuucaan oo kale ah.
Dowladda Turkiga mar sii horreysay sidaan oo kale sababo la xiriiro cudurka COVID-19 muwaadiniinteeda kala baxday Soomaaliya.