Daawo: Xasan Sheekh oo dowladda Farmaajo ku dhaliilay in aysan waxbo ka qaban dacwadda badda afar sano ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii ka soo baxay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee magaceeda lo soo gaabiyo ICJ ay dib ugu dhigtay kiiska dacwadda badda ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo 2014 maxkamaddaan u gudbiyey dacwadan waqtigii uu ahaa madaxweynaha ayaa ku dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo madaxeyne Maxamed Cabbullaahi Farmaajo in aysan wax lataaban karo muddo afar sano ah ka qaban.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in qadiyadda badda ay taagan tahay weli afar sano ka hor meeshii uu uga tagay xukunka, isagoo xusay in saddex jeer dib loo dhigay.

“Afar sano ka hor meeshii aan uga tagnay ayey qadiyadda badda taagan tahay sadax jeer ayaa qadiyadaas dib loo dhigay dowladeenu marwalba waxay noo sheegtaa inay diidaneyd in dib loo dhigo laakiin wax cadeynaayo inay dowladu diidaneyd marnaba shacabka lama wadaagin”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in saddexdii qarreen ee doorka ugu weyn ka qaatay kiiska badda la bedelay, isla markaana aanay dowladda sheegin cida lagu bedelay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay dacwada badda ay tahay mas’uuliyad madaxweyne oo aysan aheyn howl u taal wasiir iyo raysal wasaare kuxigeen.

“Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ka hadlaya ayaa maqlayaa, dacwadan ra’iisul wasaare kuxigeen ma lahan, wasiir ma lahan, madaxweynaha leh, warqad madaxweyne ayaa lagu geeyay dacwada, dadka wakiilka ka ah warqad madaxweyne ayaa lagu magacaabay. Waxaa rajeynayaa oo niyad samida ku jirtay, waxay aheyd madaxweynaha inuu dadka hor-yimaado oo dadka u sheego waxa jira” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Maxkamadda Adduunka ayaa aqbashay markii seddexaad codsi dib u dhigis ah oo uga yimid dowladda Kenya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email