Daawo: Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dib u dhigista dhageysiga dacwadda badda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ,Khadar ayaa caawa ka hadlay go’aan maanta kasoo baxay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ( ICJ) oo lagu caddeeyay in dib loo mudeeyay xilliga garmaqalka dacwadda dadda ee maxkamadda hor taalla waqtiga dheer.

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) ayaa maanta caddeysay in ilaa 15-ka bisha March 2021-ka dib loo dhigay waqtiga garmaqalka dacwadda Badda Soomaaliyeed ee Kenya muranka gelisay, iyada maxkamaddu ku sababeysay xaaladda uu sababay xanuunka Feyruska Karoona.

Maxkmadda ICJ waxay 15-ka iyo 18-ka March 2021 dhageysaneysaa dooda dowladda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale 17-ka iyo 19-ka March 2021 dhageysaneysa doodda Kenya ee doonista badda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota, hase yeeshee dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxuu sheegay in maxkamddu ay go’aamisay sidoo kale in dhageysiga dacwaddu uu noqon doono mid afka ku saleysan oo aysan jiri doonin caddeymo qoraal ah oo maxkamadda lala tegi doono maadaama labada dowladood ay horay u geeyeen caddeymaha ay dacwaddooda saldhigga uga dhigayeen.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email