Ciidamo kala Taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Dagaal ku Dhex Maray Duleedka Gaalkacyo

Ilo wareedyo laga helaayo magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug uu ka dhacay duleedka Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Teerage oo galbeedka uga beegan Gaalkacyo, waxaana deegaankaas saldhig ku leh Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Dagaalkii xalay ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo la xaqiijiyay in ugu yaraan saddex ruux ku dhinteen dagaalkaas, halka tiro kale dhaawac soo gaaray.

Waxaa saaka deegaanka lagu dagaalamay ka jira abaabul ciidan, waxaana labada dhinac ee dagaalamay soo kala gaaray gurmadyo ciidan, sida dadka deegaanka ku soo waramayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen maleeshiyaad ka yimid dhanka Galmudug, isla markaana ay saaka dib u gurteen.

Sidoo kale waxaa uu xusay in aanu aaminsaneyn inay soo weerareen Ciidamo ka tirsan Galmudug ama Maleeshiyo beeleed, balse ay ahaayeen kooxo abaabulan oo ka yimid dhanka Galmudug sida uu yiri.

Deegaanka Teerage ee galbeedka Gaalkacyo ayaa waxaa horay uga dhacay dilal ku saleysan aanooyin qabiil, kuwaasoo aan weli xal laga gaarin.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email