Ciidamada Itoobiya aan qeybta ka aheyn AMISOM oo soo riday diyaaraddii Bardaale

Warbixin loo diray Xafiiska Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya oo aan ka tirsaneyn AMISOM ay soo rideen diyaaraddii African Express ee 4-tii bishan ku burburtay degmada Bardaale.

Diyaaradda ayaa u kireysneyd hey’ad NGO ah, waxaana la sheegay inay aysan wax warbixin ka heysan diyaaraddan, iyadoo ay jirtay xiriir la’aan Diyaaradda iyo Ciidamada Itoobiya ee saldhiga ku leh Bardaaleogolaansho ayna soo wargelisay Sector 3 Qeybta 3aad howlgalka AMISOM

Warbixinta ayaa lagu sheegay in marka diyaaradda ay imaaneyso Bardaale ay badanaa ka soo degto dhanka Bari iyo Galbeed, balse diyaaradda ay dhanka Galbeed ka duuleysay oo ah dusha sare ee xerada milateri, una soo dhowaatay, xitaa haddii aysan Ciidamada toogan laheyn diyaaradda ayaa dhulka ku burburi laheyd, maxaa yeelay lugaha ama shaagga ay caga dhigan laheyd ayaanan diyaar aheyn.

Sidoo kale warbixinta ayaa sheegay in markii diyaaradda ay sameysay dhaq dhaqaaqyo badan, dhowr jeer ay kormaray xerada in looga shakiyay inay is qarxiso ayna isku dayeysay inay raadsato bartilmaameedkeeda, maxaa yeelay dhaq dhaqaaqa diyaaradda, ugu dambeynna xiriir la’aan darteed ay Ciidamada Itoobiya soo rideen diyaaradda, kuna dhinteen 3 muwaadin kenyan iyo labo muwaadin Soomaali ah.

Ugu dambeyn warbixinta ayaa lagu sheegay inay ka dambeeyeen dhacdadan Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn howlgalka AMISOM.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email