Ciidamada dowladda iyo Alshabaab oo dagaal ku dhexmaray gobolka Gedo

Ciidanka dowladda iyo kooxda Alshabaab ayaa dagaal xoogan uu ku dhexmaray degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa dagaal ku dhex maray ciidamda kala taabacsan dowladda iyo koxda Al-shabaab.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkaan u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Alshabaab iyada dagaalku uu ka dhashay khasaaro.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib matkii Alshabab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmada Buudhuubo ee gobolka Gedo iyada oo la isku adeegsaday hub culus.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaas culus socotayna saacado oo labada dhinac ay Isku adeegsanayeen,waxaana dagaalka guulo ka sheegtay saraakiisha Melatariga ee dowladda

Taliyaha Amniga degmada Buurdhuubo ee gobolkaa Gedo oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in ay iska caabiyeen dagaalamayaasha Shabaab isla markaana ay sii ogaayeen weerarka Shabab khasaarana ay gaarsiiyeen.

Dhinacooda ayuu tilmaamay in aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray,Alshabaab ayaa dhowr jeer weeraro noocaan oo kala ah ku qaaday saldhigyo ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email